Tuug ayaa u dhacday Xabsi ilaailntiisu aanay adkayn oo ku yaal magaalada Hoorn oo u Dhaw Magaalada Amnsterdam ee dalka Holland iyago markaa doonayey inay xadaan TV uu lahaa Maxbuus ka maqnaa Qolka uu ku xidhnaa oo Fasax la siiyey.
Maxaabiista Wakhtiga lasii deenaya ay soo dhawaaay ayaa sida sharcigu dhigayo la fasaxaa dhamaadka todobaadka iyagoo dibada kusoo qaataa waxayna tuugtu ka faa'iidaysatay labada cisho ee Maxbuusku fasaxa ahaa.
Tuugta aya labo todobaad oo kala gooni ah ee March iyo April kala ah u dhacay Xabsiga oo xaday. laakiin ilaa haddaaya lama oga siday ugu suurto gashay inay xadaan Xabsiga oo ay u dhacaan.
Booliska ayaa sheegaya inaanay wali cidna u xidhin dhacdadan oo layaaab ku noqotay.
Tuugta ayaa lagu tilmaamay qaar Doqmo ah oo u badheedhay Xabsi haddi lagu qabto aan meel kale la geenayn ee bartaas uun lagu haynayo iyadoo Ciidamo joogayn balse Amaanka Xabsiga ayaa ahaa mid liito oo aan inta badan si adag loo ilaalin