Raga qaarkood ayaala sheegay in aanay jeclayn in ay guursadaan ama ay jacayl la wadaagaanGabadh ka dheer oo uu kor u eegayo. Arintan oo noqotay waxyaabaha ugu horeeya ee raga qaarkood ahmiyada siiyaan ayaa keenta in aanay Ragaasi ogolaan arinmo hadhow ku keeni kara nusqaan ama niyadooda dhaawici kara,
Raga qaarkood oo laga yaabo inuu gaaban yahay ama uu dhex-dhexaad yahay ayaa geed dheer ka fuula inay guursadaan gabadh ka dheer isagoo ka cararaya in laga yaabo in dadka qaar ku sheegaan hadalo ama tilmaamo aanuu jeclaysan.ama laga yaabo inay ragaasi diidayaan inay gabadhaa suuqa wada maraan iyadoo aad uga dheer ama ay hoos u eegeyso marka uu la hadlayo taas oo laga yaabo raga qaar inay qalbigooda ku keento nusqaan ama aanay jeclaysan,
dumarka ayaa iyagana dhinacooda la sheegay inay jecel yihiin inay guursadaan nin ka dheer iyadoo dumar arintaa wax laga weydiiyey ay sheegeen in Raga dhaadheer ay niyad ahaan ku guuleystaan arimo badan iyagoo tusaale u soo qaatay in marka la,eego caalamka had iyo jeer raga dhaadheer ay haystaan jagooyin sar sare ama madax weynayaasha oo kale,
Laakiin dhinaca kale waxaa la sheegay inay jiraan rag badan oo gaa-gaaban oo ku guuleystay inay dunidan caan ka noqdaan waxaana tusaale loosoo qaatay ninkii aduunka caanka ka ahaa ee faransiiska ahaa ee Napoleon kaas oo la sheegay gaabni darteed in shaqaalihiisu ay gambadh ama mijilis yar hoos dhigi jireen kursiga uu ku fadhiisanayo si aanuulugihiisa u laalaadin maadaama aanay dhulka gaadhayn.
Dhinaca kale Dr. Alaa Murzi oo ah khabiir ku takhasusay cilmi nafsiga ayaa sheegay in dareenka jacaylka iyo guurku aanay wax xidhiidha la lahayn dherer iyo gaabni toona. iyadoo labada is guursanaya ay kala dheeraan karaan isna dherer la,ekaan karaan wax dhibina aanay ku jirin