Ninkaan ayaa la sheegayaa in dhalasha ahaan uu ka soo jeedo dalka India halkaa oo uu 70-sano waxnana cunin cabina taa oo yaab galisay dadka reer India iyo dhamaan dhaqaatiirta dalkaasi oo wali ku mashquulsan baaritaano ay ku hayaan ninkaasi.
Waxaana haatan ninkaasi la galiyay Hospital ku yaal dalkaasi India si loo ogaado waxa ku kalifay una saamaxday in uu 70-sano waxna cunin waxna cabin, taariikhda marka loo eego ayaa ah dhacdaan mid ay la yaabeen dad weyn aad u fara badan waxaana haatan caalamka oo dhan ay ka noqotay mid la is weydiiyo ujeedka hadafta ninkaasi marka laga reebo in ninkaasi uu haatan jaray Rikoodka aduunka ee dhanka cuna la'aanta.
Sterling Hospital oo ah halka lagu xanaaneynayo ninkaasi ayaa waxaa soo buuxdhaafiyeen dhaqaatiir iyo Seynisyahano doonayo in ay wax ka ogaadaan awooda ninkaasi uu u yeeshay in uusan wax cunin waxa ayna sheegeen dadka ku dhaqan Ahmedabad ee dalka Hindiya in ninkaasi uu yahay nin Barakeysan.
Awooda Alle ayaa ah mid aan la iska Indha tirin karin maadaama Ilaah uu awood u leeyahay wax walba in uu u sahlo qofka uu doonayo aydoona ninkasi mar saxaafda ay wax ka weydiisay uu sheegay in ay tahay awood uu Ilaah si gooni ah uu u siiyay.