Culimo Reer Spain ah ayaa ka digay in dumarka quruxda badan ay dhaawac u geystaan caafimaadka Raga. sida ay qortay jariirada Daily Telegraph ee dalka ingiriiska culimo ka tirsan University of Valancia ayaa sheegay hadii ay Ragu mudo 5 daqiiqo ah ay kali ku ahaadaan gabadh qurux badan in uu kor u kacayo hormoonka Cortisol,
Culimadan ayaa sheegay in hormoonka Cortisol uu yahay hormoon ku jira jidhka bini aadmiga isagoo shaqeeya marka jidhku uu qabto shaqo adag isagoo hormoonkaasi sababa xanuunada wadnaha,
Culimadan ayaa baadhitaankaa ku sameeyey 84 nin iyadoo Raga qaarkoodna la fadhiisiyey qol cidla ah halka qaar kalana la geeyey qol ay ku jirto gabadh aad u qurux badan iyadoo Ragaa loo ogolaaday mudo 5 daqiiqadood ah inay la sheekeystaan dumarkaa quruxda badan, baadhitaankan ayaa cadeeyey in Ragii kaligood fadhiyey qolka ay hormoonkooda Cortisol uu caadi ahaa isla markaana aanuu sameynin wax is bedel ah, halka Ragii la fadhiyey 5 daqiiqadood hablaha quruxda badan uu aad kor ugu kacay isla markaana uu ku batay dhiigooda hormoonkaa Corsitol,
Dhakhtarada Reer Spain ayaa sheegay iyadoo Raga qaar kamida ka dheeraadaan ama aanay isku dayin inay la sheekeystaan dumarkaa quruxda badan iyagoo sida ay culimadani sheegtay u haysta inay ka fiican tahay ama ka sareyso gabadhaa quruxda badan ayaa baadhitaankan cadeeyey in Ragiila kulmay gabadh yar oo qurux badan shanta daqiiqadood 98% uu hormoonkooda cortisol uu aad ugu batay dhiigooda sarena u kacay,
Khubaradan ayaa sheegay in hormoonka Cortisol uu jidhka faa,iido u leeyahay hadii jidhka ay gasho in y ar oo hormoonkaa ka mida laakiin dhakhtaradan waxa ay cadeeyeen hadii uu dhiiga ku bato hormoonkaa Cortisol inuu keeno xanuunada Wadnaha iyo xanuunka Sonkorta iyo dhiiga oo kaca iyo waliba in ninka ay ka yaraato hamada