Gabadh Reer masar ah oo isku dayday khiyaamo tii ugu weynayd kadib markii ay ninkeeda u sheegtay in Rag ay afduubeen laakiin u tagtay saaxiibkeedii hore. Gabadhan ayaa gurigeeda ka maqnayd dhowr isbuuc iyadoo la joogtay ninkaa ay saaxiibka ahaan jireen,
Gabadhan ayaa maqnayd mudo iyadoo si ay qiil ugu sameyso maqnaan shahaa ninkeeda telefoon u soo dirtay isla markaana u sheegtay in la afduubay oo rag aanay garanayn ay afduubeen iyadoo marka ay la soo hadashana qeylinaysay oo iska dhigeysay qof la dilayo, Ninka gabadhaa qabay ayaan guriga ka bixin isagoo aad uga werwerayey xaaskiisii oo la afduubay gabadhaas ayaa maalin walba telefoon u soo diri jirtay iyadoo iska oohinaysa isla markaana telefoonka si deg deg ah u xidhi jirtay si,aanuu u fahmin. laakiin la joogta nin ay saaxiib la ahayd intii aan la guursan kahor,
Ninka gabadhaa qabay ayaa booliska ku waashay isla markaana ka dalbaday in loo soo celiyo. Arintan ayaa ka shifantay kadib markii uu ninkaasi U tagey Booliska magaalada Abu-Xamaad isagoo u sheegay in xaaskiisii maqnayd mudo laba isbuuc kabadan oo la afduubay. Booliska ayaa arintaa dabagal ku sameeyey iyagoo markii danbe ogaadey in gabadhaasi ay gurigeeda uga baxday rabitaankeeda isla markaana aanay jirin cid afduubtay, waxa kaloo boolisku ogaaday in gabadhaasi ay la noolayd saaxiibkeedii hore mudadii ay maqnayd iyadoo khiyaamadan u sameysay inay ninkeeda ku qanciso inay afduubnayd isla markaana ay gurigeeda kusoo noqoto,
Gabadhaa ayaa boolisku soo qabtay iyadoo loo gudbiyey jeelka kadib markii ay si khaayinimo iyo sharci daro ah ay ula noolayd nin ay bari hore saaxiib la ahayd. Gabadhaa oo sugeysa iminka Furitaan iyo jeel kadib markii ay qiratay khaartadaa inay u soo degtay ninkeedii xalaasha ahaa,