Magaalo madaxda dalka Britain ee London ayaa kaalinta Koowaad ka gashay Tobanka Magaalo ee ugu soo dhawaynta iyo qadarinta xun magaalooyinka dalka Britain, halka magaalada Southampton, ay noqotay magaalada ugu horaysa Tobanka magaalo ee ugu soo dhawaynta iyo xushmada fiican dalkaasi, sidaana waxa lagu sheegay natiijo ka soo baxday daraasadarrintan lagu sameeyay oo dhawaaan la soo saaray .
Natiijadii ka soo baxday daraasadan waxa lagu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay Afar kun oo qof oo British ah lagu ogaaday in dadka ku nool magaalada London aanay awood u lahayn in ay si xushmad leh ugu jawaabaan ama ay ula sheekaystaan dadka soo booqda.
Dhinaca kale magaalada Glasgow, ayaa noqotay magaalada labaad ee ku liiska soo dhawayn xumida ku xigta magaalada London, waxaanay daraasadani sheegtay in dadka magaaladaa ku nool lagu eedeeyo in ay ka caga jiidaan caawinta dadka waaweyn ee da”ada ah, isla markaaana ay iloobaan in marka ay dadka la hadlayaan ay isticmaalaan kelmada “Please”.
Sidoo kale waxa iyana kaalmaha Seddexaad iyo Afraad kaga jira liiskan soo dhawayn xumida magaalooyinka Bradford iyo Birmingham oo iyana la sheegay in adeegyada dukaamada iyo meheradaha magaalooyinkaasi ay ku guul daraysteen raali galinta soo dhawaynta macaamiisha wax ka iibsata.
Geesta kale. Magaalada Southampton, ayaa iyana kaalinta Koowaad ka gashay liiska Tobanka magaalo ee ugu soo dhawaynta iyo qadarinta fiican magaalooyinka dalka Britain.
Afhayeen u hadlay Jurys Inn oo daraasadan samaysay ayaa ku dooday in natiijada ka soo baxday baadhistani ay tahay mid lagu kalsoonaan karo oo rasmi ah, waxaanu sheegay in liiska Tobanka magaalo ee ugu soo dhawaynta iyo xushmada liita dalka Britain oo loo soo kala horaysiiyay sida ay u sii kala liitaan, ay kala yihiin