Sida soomaalidu hore u tiri “Gabadh ku nin ayaa isku daya kowna way kala baxdaa” ayaa waxa ay tahay xisaab sax ah. Waana arin wanaagsan in gabadhu iska hubsato oo ku degdegin ninka ay guursanasyo.
Waxa dhawaan nin xisaabyahan ah oo u dhashay wadanka Ausraliya, lana yiraa Clio Cresswell sheegay in marka ay gabadha soo raajiciyaan 12 nin oo ay mid walbana la sheekaysato, wax badan ka ogaato ragaas kala duwan uu ka 13-aad noqon karo ka saxda ah.
- Wadanka Australia ayaa furiinku waxa uu gaaraa 35 prosent. Hadii aad soo gadanayso DVD oo laguu sheego in uu 35 prosent halaabi karo, ku deggedi maysid in aad gadato. Laakiinmarka aan guursanayno ayaa waxa aan u guursanaa sidii oo aan hubno 100-kiiba boqol. ayuu yiri Clio Cresswell.
Clio ayaa xisaabiyay sida ay aad ku helayso lamaanaha saxda ah.
Marka aad 12 prosent iska hubsato ayaa waxa aad kor u qaadaysaa 75 prosent in aad hesho qofka saxa ah ee kuu qalma.
Hadaba xisaabi inta wiil ee ku soo raajiciyay, si aad u ogaato in kii saxda ahaa soo dhawyahay.