Qisada la yaab-ka leh oo ka dhacday Waddanka Australia ayaa Dadka Waddankaas Deggan ku abuurtay Fajac iyo Amankaag, kadib markii ay soo hor fadhiisteen Televsion-ka dalkaas ugu weyn Aabe iyo Inantiisii oo isu dhalay caruur islamarkaana Qaa-guur ku wada nool.
Aabaha John Deaves oo ah 61-jir ayaa sheegay in aanay is arkin inantiisa Jenny oo ah 39-jir muddo 30-sanadood ah, waxa oo uu odaygu intaa raaciyey in ay hooyadeed kala tageen iyada oo 1-sano jirta sidaas daraadeedna ay ku kala irdhoobeen Muddo 30 Sannadood ah.
Jenny (gabadha) ayaa sidoo kale sheegtay in ay Aabeheed raadisay markii ay soddon jirsatay, waxayna sheegtay markii ay indhaha ku dhufatay in ay ka heshay oo ay u aragtay nin iyada geeya! (Subxaanalaah)
Aabaha iyo gabadhiisa ayaa iminka isu dhalay gabadh yar oo 9-bilood jirta, waxaana horay uga dhicisoobay sida ey sheegeen cunug kale oo ay sugayeen sanadkii 2001,
Arrintan ayaa waxaa aad u hadal haya dadka reer Australia, waxa ayna ku tilmaameen arrin laga yaq-yaqsoodo oo aad u fool xun islamarkaana dhaawac weyn u gaysan karta gabadha yar ee ay iska-dhaleen oo lagu Tilmaamay mid aan Mustaqbal lahayn, Maddaama Aabaha Inanta yar dhaley.