Didier Drogba ayaa sadexle noqday, ka dib markii uu sadex dhaliyey, wuxuuna noqday ninka ugu gool dhalionta badan sanad ciyaareedka 2009/10, isagoo dhaafay Wayne Rooney, oo ku xiga.
Tababaraha kooxda Carlo Ancelotti, ayaa muujiyey in uusan Jose Mourinho waxba u ogayn mar haddii uu koobka horyaalka qaaday sanadii u horaysay oo uu noqdo tababaraha kooxda Chelsea.
Waa markii ugu horaysay oo Chelsea horyaalka Ingiriiska qaado tan iyo 2006, waxayna iska hortaageen kooxda Manchester United in a koobkan qaado afar jeer oo isku xigta, taas oo ahaan lahayd rikoodh.
Waxay kaloo Chelsea kooxda Manchester United u diiday in ay dhigto rikoodh kale oo ah in ay 19 jeer qaado horyaalka Ingiriiska taas oo qudheedu taariikh ahaan lahayd, waxayna dhaafi lahayd kooxda Liverpool oo iyana 18 jeer koobka horyalka qaaday.
Chelsea waxa kaloo u dhiman ciyaarta ay sabtidan soo socota la ciyaarayso kooxda Portsmouth, oo ah kama dambaysta koobka FA, oo haddii ay qaadan lay labaysan doonaan kopobabka ay sanadkan qaadeen