Kooxda Kubadda Cagta ee Ingiriiska ee Chelsea ayaa ku guulaysatay koobka FA, oo ay ciyaartaii kama dambaysta iskaga hor yimaadeen kooxda Portsmouth.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool iyo waxba goolkaas oo uu Chelsea u dhaliyey Dider Drogba.
Drogba ayaa laad loo dhigay kooxda Chelsea u qaatay, oo intay birta taagan ku dhacday goolka ku soo noqotay, daqiiqadii 59aad.
Chelsea ayaa markii ugu horaysay taariikhda waxay xili ciyaareed ku wada guulaysatay labada koob ee kan horyaalka iyo kan xidhiidhka kubada cagta ee FA.
Ciyaartoyga u ciyaara ayaa rag caan ah oo mushahar badan qaata, sida terry, Lampard iyo Darogba.
Laakiin kooxda Portsmouth, sanadkan ayey hoos u dhcday, waxa lagu leeyahay dayn fara badan oo ilaa 200 oo million oo dollar ah, dhwr ayaa lahaanshaha kooxda lala kal wareegay sanadkan.
Hada waxay ku jirta maamul waxaana dhici karta in ay si badato daynta lagu
leeyahay.
Goolka Drogba, ayaa ahaa kii 37aad ee uu dhaliyo ee sanad ciyaareedkan.