Koren ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta goolkii guusha Slovenia u dhalay kaasoo natiijadii ciyaarta ka dhigay 1-0 ay kaga adkaadeen xulka 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Algeria
Xulka Slovenian wuxuu sidaa ku qabtay hogaanka Group Cee koobka aduunka markii uu 3 dhibcood ciyaartii galabtay helay.
Ciyaaryahanka reer Algeria eebadalka ku soo galay ciyaarta Abdelkader Ghezzal ayaa ciyaarta laga saaray 7 daqiiqo kaliyaha markii uu ciyaarayay markii uu jaalihii 2aad uu qaatay isagoo ku qaatay qeybta ganaaxa ee goolka Slovenian markii uu kubad dhaaftay uu gacanta ku soo ceshaday .
Xulka aadka u yare e ka socda Balkan waa markii ugu horeysay ee uu ka soo qeybgalo koobka aduunka.
2daan kooxood waxey isku group yihiin England iyo United States oo ay ku wada jiraan Group C.
Slovenia kulankeeda 2aad waxey la ciyaari doontaa United States halka Algeria ay u safri doonto Cape Town oo ay kula soo ciyaari doonto England.