Zdravko Kuzmanovic ayaa xilli aan loo baahneydn wuxuu gacanta ku qabsaday kubada rigoorada ah ee looga badiyay, taasina waxey keentay in inta rigoore laga dhigo hadana uu qaato calaamada jaalaha.
Weereryahanka xulka Ghana Gyan ayaa goolkaasi rigoorada ah wuxuu ku hubsaday shabaqa iyadoo goolkaasi uu ahaa kan kaliyaha ee ka dhashay garoonka Loftus Versfeld.
12- daqiiqo ka hore intii aan goolkasi la dhalin difaaca xulka Serbian Aleksandar Lukovic ayaa ciyaarta laga saaray markii uu qaatay jaalihii labaad, waana gaduudkii 3aad oo la bixiyo intii ay socdeen ciyaaraha koobka aduunka.
Ghana waxey sidaasi hogaanka ugu qabtay Group D oo ay ku hogaamineyso 3 dhibcood laakiin waxaa la sugayaa ciyaarta kale ee isla group-kaan taasoo dhex mari doonta Germany iyo Australia