Germany ayaa min 2 gool oo ay kala dhalisay labadii qeyb ee ciyaarta waxey cashir ku siisay xulka Australia oo ay u saarisay 4-0 kulan ka tirsanaa Group D ee koobka aduunka.
Lukas Podolski iyo Miroslav Klose ayaa 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay waxey kaga nixiyeen Australia iyo macalinkoodii oo difaacoodu uu u muuqday mid isku dhex yaacsan.
Cahill ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 56aad ee ciyaarta markii uu dagaal ka raacday Bastian Schweinsteiger.
Waxey aheyd ciyaartii ugu horeysay oo record gool intaasi la eg lagu kala badiyo iyadoo ay daawashadeeda ka soo qeybgaleen 62,660 oo soo xaadiray garoonka Moses Mabhida Stadium.
Germany ciyaar furitaan ah lagama badin koobka aduunka laga soo bilaabo markii2-1 guuldaro ah sanadkii 1982 ay ka qaadatay Algeria.
Kulankii ugu horeeyay ee group-kaan, Asamoah Gyan ayaa goolkii guusha u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 85th-markii uu gool rigoore ah dhaliyay taasoo Ghana ay 1-0 kaga badisay Serbia ciyaartii ugu horeysay ee Group D
Maanta iyo caawa ciyaaraha dhici doona waxey dhex mari doonaan therlands iyoDenmark , Cameroon iyo Japan iyo Italy vs Paraguay.