Muqdisho- (GBCsom.net Xildhibaan maxamed sheekh yuusuf oo ah mudane ka tirsan barlamaanka somaliya ayaa si kulu u cambaareyey duqeenta ciidamada amisom lagu eedeyey in ay ka geestaan magaalada muqdisho .
Isago xaley wareysi siinayey idaacada iyo tvga gbc codkanabada ayaa waxa uu sheegey in aysan u dulqaadan doonin in la duqeeyo xaafadaha dadka rayidka ah ay daganyihiin waxaana uu sheegey in aysan suuragal ahaan doonin in hal madfac oo lagu soo tuuro ay kaga jawaaban 500 oo madaafiic ah .
Hadalka xildhibankan ayaa waxa uu ku soo begamaya iyadoo saraakiisha ciidamada amisom ay beeninayan wararka sheegaya in ay duqeen ka geestaan magaalada muqdisho inkasto dadka oo dhaan ay ogyihiin dhibaatada amisom ay ku hayso shacabka reer muqdisho .