Ankara-(GBCsom.net)Reysal wasaaraha turkiga REJEB TAYYIB ERDOGAN wuxuucaddeeyey in ciidamada israiil iyo burcad badeedka soomalida ay isku mid yihiin, sidaas wuxuu ku yiri isagoo kulan la qaadanayey dhiggiisa ingriiska DEFID KAMERON oo beryahaan ku sugan dalka turkiga.
wuxuu intaas ku daray in falikii dhawaan ciidamada bada yuhuda ay u geesteyn maraakiibtii gargaarka u sidey marinka gaza uu mujinayo in burcad badeed yuhuud ah ay soo baxdey .
wuxuu sheegey in ay la mid yihiin kuwa dhibaatada ka wada biyaha caalamiga ee badweynata indiya islamarkaasna waxa uu ku baaqey in laga hortago burcad badeed cusub oo ka dilaaci kartabariga dhexe.