Xildhibaano kuhanjabay in ay qabsan doonaan magaalada baladweyn.29-07-2010
Posted by gbcsom on July 29 2010 09:04:15
Xildhinaan xuseen gaagaale oo kamid ah xildhibaanada barlamanka km gee kazoo jeeda Gobolka hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan dagaalo ay kula wareegayaan
Extended News
Xildhinaan xuseen gaagaale oo kamid ah xildhibaanada barlamanka km gee kazoo jeeda Gobolka hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan dagaalo ay kula wareegayaan magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan halkaa oo ay gacanta kuhayaan xoogaga xarakada alshabaab.
Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in dhaq dhaqaaqyadooda uu qeyb kayaha qorshe doowlada kmg ay kula wareegeeyso guud ahaan gobolada ay gacanta kuhayaan xarakada alshabaab xildibaanadoodana ay ka go.antahay in ay maamulka doowlada km gee shareecada islaamka waafaqsan ay gaarsiiyaan guud ahaan deegaanada gobolka hiiraan.
Hadalka xildhibaan gaagale ayaa kusoo beegmaya xili dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo nawaaxiga magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan kuwaa oo ay wadaan ciidamada doowlada kmg somaaliya.