Afhayeenka xarakada mujaahidiinta alshabaab shiiq cali maxamuud raage shiiq cali dheere oo shir jaraa.id uqabtay vwarbaahinta muqdisho qaar kood ayaa waxa uu kahadlay arimo dhowra oo ay kamid ahaayeen go.aankii madaxda midowga afrika ay ku gaareen magaalada kambaala ee dalka Ugandha iyo dagaalkii maalmo kahor kadhacay buuraleeyda gal gale ee duleedka magaalada boosaaso.
Shiiq cali dheere waxa uu ugu horeeyn iska foeeyay eedeeyn uu ujeediyay xarakada alshabaab madaxweynaha maamulka buntland cabdi raxman farole taa oo aheeyd in ay alshabaab kadanbeeyeen dagaalkii kadhacay nawaaxiga magaalada boosaaso ee udhaxeeyay ciidamada buntland iyo kuwa taabacsan wadaadka shiiq maxamad siciid atam waxa uuna afhayeenku tilmaamay in aysan alshabaab wax luga kulaheeyn dagaaladaasi hase ahaatee dagaalku uu dhaxeeyay ciidamada BISta buntlan oo dhibaato kuhayay shacabka kudhaqan degaankaasi iyo waliba dadka deegaanka.
Sidoo kale afhayeenku waxa uu cambaareeyay go.aankii kazoo baxay shir madaxeedkii 15aad ee dhawaan ugu soo gaba gaboobay madaxda wadamada afrika dalka Ugandha kaa oo lagu go.aamiyay in ciidamo dheeraada oo gaaraya 4000 oo askari loo soo diro waxa uuna kutilmaamay kuhanjabay in ay ladagaalami donaan ciidamadaasi ayna sida kuwa hada jooga oo kale uleeyn doonaan isagoona shacabka ugu baaqay in aysan cabsi kamuujin arintaasi.
Hadalka afhayeenka xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa imaanaya xili midowga afrika ay go.aamiyeen ciidamo dheeraada oo maalmaha soo socda lakeeno dalka somaaliya.