Prof. Saitoti ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha Africa u qaabilsan xukuumadda London inay xukuumaddiisa gacan ka geesato sidii looga hor tagi lahaa xaaladaha qatarta ah ee ka jirta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Kenya ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujisay in ay dhankooda u soo gudbaan xaaladaha ammaanka la xiriira ee ka jira gudaha Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay go'aankii madaxda Midowga Africa ay ka soo saareen magaalada Kampala, kaasi oo ku saabsanaa xaaladaha cakiran ee Soomaaliya inay iska kaashadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen