Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markab laga lee yahay dalka Turkiga, ka dib markii uu is afgarad uu dhex maray kooxdaasi iyo shaqaalaha markabka la sii daayay.
Markabkan ayaa burcad badeeda waxaa ay qafaasheen bishii March markaasi oo ay ku weerareen meel ka yara baxsan badda Soomaaliya.
Waxaa la sii daayay markabkaasi iyo 21 shaqaale oo markabka saarnaa.
Ma cada weli in ay madax furasho ay qaateen kooxda burcad badeeda oo in mudo ah afduub u heystay markabka iyo shaqaalahiisa.
Burcad badeeda ayaa mar walba waxaa ay beegsadaan maraakiibta caalamka ee goosheysa badaha Soomaaliya iyo weliba meelo ka baxsan.