Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada iyo siyaasada ee maamulka doowlada ee gobolka banaadir Cabdi saalan daahir cabdulle oo wareeysi siiyay GBC ayaa sheegay in tan iyo markii ladoortay maamulka cusub ee gobolka banaadir ay sii yaraanayeen ciidamada sida sharci darada ah hubka ugu dhex sita dadka shacabka ah ee kudhaqan meelaha ay gacanta kuheeyso doowlada kmg.
Waxa uuna tilmaamay in arintaasi ay kadhalatay hoowlgalada maalmihii udanbeeyay ay sameeynayeen ciidamada loogu talay in ay lashaqeeyaan maamulka gobolka banaadir kuwaa oo sitoosa ula dagaalamayay ciidamada doowada ee caadeeystay jabinta nidaamka ciidamada doowlada kuwaa hubka isaga dhex qaata goobaha ay dadku kubadan yihiin halkaana ay kadhalan karaan dhibaatooyin gaara dadka rayid ah.
Tilaabadan uu qaaday maamulka gobolka banaadir ayaa hadii ay hirgasho waxa ay faa.iido utahay maamulka cusub ee gobolka banaadir ee uu hogaamiyo Maxamuu axmad nuur tarsan.