Alshabaab oo guul kasheegatay dagaal shalay kadhacay deganka Yeed ee gobolka bakool.30-07-2010
Posted by gbcsom on July 30 2010 09:11:14

Shalay galinkii danbe ayaa waxa uu dagaal kudhex maray degaanka Yeed ee gobolka bakool ciidamo taabacsan alshabaab iyo kuwa doowlada kmg waxaana dagaaladasi guulo kasheegtay xarakada


Extended News

Shalay galinkii danbe ayaa waxa uu dagaal kudhex maray degaanka Yeed ee gobolka bakool ciidamo taabacsan alshabaab iyo kuwa doowlada kmg waxaana dagaaladasi guulo kasheegtay xarakada mujaahidiinta alshabaab.


Afhayeenka dhinaca ciidamada ee xarakada alshabaab shiiq Cabdi casiis abuu muscab oo lahadlay warbaahinta muqdisho qaar kamida ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ciidamadooda qaadeen ayna jab gu gaarsiiyeen ciidamadii doowlada ee ay weerareen Waxaan uu intaa kudaray in ay gacanta kudhigeen gaari nuuca Cabdi bilaha ah oo uu saarnaa dhuun shilke isagoona tilmaamay in xiligan ay ciidamadooda ay kusugan yihiin deegaanka Yeed ee gobolka bakool.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada ee alshabab shiiq cabdi casiis ayaa uga digay shacabka kudhaqan magaalada muqdisho in ay kafogaadan madaaficda aan qarxin ee ay so tuuraan ciidamada amisom isagoo sheegay in ay ogadeen in madaafiic aan qarxeyn xiliga ay soo dhacaan laakiin qarxaya marka ay dadka tabtaan ay siiyeen ciidamada amisom doowlada mareeykanka.

Majiro wax wara oo ilaaya hada laga hayo saraakiisha ciidamada doowlada kmg ee kusugan deegaanadasi