Hey.adaha xuquuqda aadanaha ee M/muqdisho oo soo bandhigay qasaaraha gaaray dadka rayidka ah isbuucii lasoo dhaafay.30-07-2010
Posted by gbcsom on July 30 2010 09:14:46

Xili dagaalo xoogan ay maalmihii lasoo dhaafay kadhacayeen deegaano kamida magaalada muqdisho ayaa waxa hay.adaha xuquuqda aadanaha ee kahoowlgala magaalada muqdisho ay soo bandhigeen


Extended News

Xili dagaalo xoogan ay maalmihii lasoo dhaafay kadhacayeen deegaano kamida magaalada muqdisho ayaa waxa hay.adaha xuquuqda aadanaha ee kahoowlgala magaalada muqdisho ay soo bandhigeen Tirada dadki kudhintay iyo kuwa kudhaawacmay dagaaladii isbuucii lasoo dhaafay kadhacay magaalada muqdisho.


Gudoomiye kuxigeenka hey.ada xuquuqda aadanaha ee Elman Cali shiiq yaasiin oo Wareysi siiyay GBC ayaa sheegay in isbuucii lasoo dhaafay qasaaraha gaaray rayidka ee ay uruuriyeen uu gaarayo dhimashada 69qof iyo dhaawaca 189ruux oo dhamaantood ah dad rayid ah kuwaa oo aan waxba galabsan waxana uu tilmaamay in ay iyana dagaalada isbuucii lasoo dhaafay ay barakiciyeen dad gaaraya 13.00 kun oo qof.


Waxa uu cali fadhaa sheegay in dadkaa intooda badan ay wax yeeleeyeen madaafiicda ay adeegsanayaan ciidamada shisheeye ee kusugan magaalada isagoona sido kale sheegay in xitaa xoogaga mucaaradka ah ay iyana qeyb kaleeyihiin dhibaatada dadka rayid ah waxa uuna ujeediyay dhinacyada iska soo horjeeda in ay joojiyaan dhibaateeynta dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada muqdisho.


Hadalka hey.adaha xuquuqda aadanaha ayaa kusoo beegmaya xili wali xaalada muqdisho ay tahay mid aan leyku haleeyn Karin iyadoona laga cabsi qabo in uu dhibku intaan kabato.