Xalay abaara 10:00 habeenimo aya waxa xaafada katirsan dagmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan iyo waliba Deyniile lagu garaacay madaafiic sababtay dhaawaca afar qof oo rayid ah kuwaa oo kusugnaa xaafadahooda xiliga ay madaafiicdu dhacayeen.
Madaafiicda ayaa waxa ay kudhacayeen xaafadaha shacabka xili aysan jierin wax dagaalo ah oo kadhacayay goobaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac ee iskaga soo horjeeda magaalada muqdisho.
Waxaa magaalada muqdisho caadi kanoqotay madaafiicda lagu garaaco dadka rayidka xiliga habeenkii ah oo inta badan dadku kusoo uruuraan degaanadooda madaamada magaaladu ay inteda badan tahay cidlo.