Xildhibaan Faarax C/wali ayaa waxa uu sheegey in xiligan aan loo baahnayn in khilafad horleh uu ka dhax dhaco xubnaha barlamanka somaliya oo mudooyinkii u dambeeyey ay isku eedeynayeyn baaqashada kulamada barlamaanka .
Isagoo wareysi siinayey idacada iyo tvga gbc codka nabada ayaa waxa uu sheegey in ay ka xunyihiin hadalada ay hawada ay isku marinayaan xildhibaanada barlamanka qaarkood iyo gudoonka sare ee barlamaanka .
Waxaa uu ugu baaqey xildhibaanada in ay ilaa liyaan wada shaqeynta barlamaanka islamarkaasna markale aysan abuurin khilaafaad xoogan oo sababi kara guud ahaan in uu hakad galo fadhiyada barlamaanka .
Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmaya iyadoo dhawaanahan ay jireen hadalo kul kul oo ay isweydaarsanayeen mudanayaal katirsan barlamaanka iyo gudoonka sare ee barlamanka kaas oo ku aadan baqashada kulamada barlamaanka oo ilaa iyo hada aan la ogeen sababta dhabta ah ee ka dambeesa .