Hay’ada UNHCR oo Dowlada sucuudiga ka codsatey in ay joojiso tarxiilida dadka soomaalida ah 30-07-010
Posted by gbcsom on July 30 2010 14:30:10
Saraakiil ka tirsan hay’ada UNHCR ee qaramada midoowe u qaabilsan qoxootiga aduunka ayaa
Extended News

 

Saraakiil ka tirsan hay’ada UNHCR ee qaramada midoowe u qaabilsan qoxootiga aduunka ayaa waxa ay sheegeen in dowlada sucuudiga ay kala hadlayaan sidii loo joojin lahaa dadka soomaalida ah eek u dhaqan boqortooyada sucuudi arabiya tarxiilida ay ku hayso dowlada sucuudiga .

 

Waxaa ay sheegeen in dadka ay dib ugu calinayso muqdisho ee caasiamada somaliya arin murugo badan maadama wili ay dagaalo ay ka socdaan islamarkaasna ay sucuudiga u soo raadsadeen magangilyo iyo shaqooyin .

 

Bilihii Jun iyo Julay ayey sheegtey hay’ada in dowlada sucuudiga ay dib ugu caliyeen magaalada muqdisho ee caasimada somaliya dad gaarya 1,000 qof oo ay u badnaayeen haween laga soo qab qabtey meelo kal dowan oo kamid ah dalkasi

 

Ugu dambeen waxa ay sheegtey in ay rajeynayaan in ay natiijo ka soo baxdo kulanka ay la qaadanayana dowlada boqortooyada sucuudi arabiya kaas oo ku aadan joojinta tarxiilka dadka soomalida ah .