Wasiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimah Afrika Henry Bellingham ayaa sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah ciidamo loogu soo diro wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aan loo baahneyn in marka hore lagu deg dego wax ka badalka sharciga ciidamada midowga Afrika ay ku joogaan Soomaaliya hase ahaatee laga shaqeeyo sidii ay ku wada shaqeyn lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Waxuu uu intaas ku daray in ay taageerayaan dowlada kmg ah ee somaliya iyo ciidamada amisom ee ku sugan muqdisho waxana uu ugu baaqey jaaliyadaha somalida ah eek u nool UK in ay ka shaqeeyaan xasiloonida soamliya .